Dhimashada labada caruurta ah ee ka yar da’da labada sano ayaa la xaqiijiyey in ay isku biirsadeen cudurka jadeecada iyo roob xalay ka dul da’ay hooy ay ka deganaayeen Kaam ku yaallo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Aamina Xuseen Xasan waa hooyada dhashay Xafso Maxamed Aadan oo qabowga dartiis iyo cudurka jadeecada ugu geeriyootay guri ay ka daganayeen degmada kaxda.
Aamina waxay sheegtay in xalay aysan indhaha isa saarin iyada oo xustay in waagu uu fadhi ugu baryey.“ Waxay xanuun saneed hadana xalay ayaa roobka ka tan badiyey iyada oo dhimatay ayaa la arkay waxaana hayey cudurka jadeecada”.




From the comments