Qaraa kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay shirkii shalay magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa badi soo dhoweeyay shirkaan, balse waxay dhiibteen aragtiyo ku aadan hannaanka loo sii amba qaadi karo fulinta heshiiska.
Waxay ku baaqeen in madaxda dalka ay fuliyaan wax walbo oo lagu heshiiyey, xooggana la saaro waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wadahadlay.




From the comments