Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay weerarkii diyaaradaha dagaal ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Bari oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno sheegay iney Daacish yihiin.
Gaas ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka Puntland ay xaqiijiyeen in weerarkaasi lagu qaadey hoggaamiyaha daacishta Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Muumin balse uu badbaaday.
Waxa uu tilmaamay madaxweyne Gaas in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in si weyn uga qeybqaataan dedaal walbo oo dalka looga saarayo Al;-shabaab iyo Daacish.




From the comments