Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyey inaanu waxbo ka qaban karin diidmada lacagta shilinka Soomaaliga oo dhowaan laga diiday guud ahaan gobolkaasi.
Cali Jeyte Cismaan, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in maamul degmo iyo mid gobol aanay waxbo ka qaban karin diidmada lacagtaan, balse ay u baahan tahay in loo wajaho qaab siyaasadeed.
“Arrintaasi waxay u baahan tahay siyaasad, ma ahan arrin guddoomiye degmo ama mid gobol wajhi karo, Soomaaliya dhibaato ayaa haysata, waxaan soo marnay iyadoo dalka intiisa kale aanu ka socon gobollada kalena ay ka socdaan 50-kii iyo 100-kii shilin ee Soomaaliya, waxaan hadda joognaa in gobollada qaar aanba shilinka Soomaaliga ah laga qaadan sida B/weyne oo kale, waxay u baahan tahay siyaasad heer gobol ah oo lagu saxayo dhaqaalaha, qorsheyaal socda ayaa jira oo ah qaabkee wax loo wajahaa, Soomaaliya oo dhan ayeey arrintaan ka jirtaa, saameyn weyn ayeey ku yeelatay wadanka, qofka danyarta ee ku noolaa wuxuu xamaalo siduu ku noolaanaa waayo Labo Kun oo Shilin ayuu Kiish ku qaadi jirey side doolar ahaan loogu qiimeeyaa, marka ma ahan tani wax aan wajihi karo” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments