Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay hay’adda FOA iney xoogga saarto sidii sanadkaan dadka ku dhaqan gobolkaasi loogu dhiirogelin lahaa wax soo saarkooda, loogana saacidi lahaa dhanka beeraha.
Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dadka ay u baahan yihiin gacansiin, islamarkaana haddii ay helaan caawinaad ay yaraaneyso saameynta abaaraha.
“Abaarta ilaahay hanaga haayo, waxaan hay’adaha nasoo booqday fariinta u gudbineynaa ay tahay iney noqoto waxa la qabanayo in xoogga la saaro sanadkaan beeraha, in aan xooggeena meel isugu geynno” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments