Madaxa howlgallada AMISOM Francisco Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan howlgallada AMISOM iyo waxyaabaha kaga aadan dagaallada ay dowladda Federaalka ku dooneyso iney dalka kaga saarto Al-shabaab.
Francisco, wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay kaalin xooggan ka qaadanayaan howlgallada iyo dagaallada Al-shabaab, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in gacanta ay kusoo dhigi doonaan deegaanno badan oo ay Al-shabaab maamulaan.
“Waxaan leenahay Hal cadow oo ah Al-shabaab, sidaa darteed waxaa waajib nagu ah inaan xoogeena isku geynno si aan u wajahno Al-shabaab, innaga oo isticmaaleyna Hal ciidan oo awood leh oo wajahaya, muwaadin kasta wuxuu leeyahay door uu arrintaan ka ciyaaro, taasi oo la rabo in xaqiiyo in Soomaaliya ka nabad qabto argagaxisada, waxa amuhiim ah in muwaadiniin Soomaaliyeed ciyaaraan door wanaagsan maxaa yeelay ciidamada oo kaliya Al-shabaab kama saari karaan deegaannada haddii aysan bulshada soo gudbin xogta ku saabsan Al-shabaab una soo gudbin hay’adaha ammaanka”




From the comments