Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari , guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo xildhibanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka ayaa maanta waxay magaalada Kismaayo kaga qeybgaleen furitaanka Kalfadhiga Kowaad ee baarlmaanka Jubbaland.
Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin imaanshiyaha mas’uuliyiintan, wuxuuna ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay barlmaankooda iyo waxyaabaha hadda ay filayaan iney qabtaan.
Guddoomiye Abshir Bukhaari oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa barlamaanka Jubbaland ugu hambalyeeyay furitanka Kalfadhiga Afaraad iyo horumarka ay gareen.




From the comments