Maamulka Puntland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar soo baxay maalmahan oo sheegayey in sicir barar uu ka jiro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in aanay jirin wax sicir barar ah, islamarkaana shaqada dekadda Boosaaso ay caadi kusoo laabatay oo wax shaqo joojin aysan jirin.
Waxa uu wasiirka tilmaamay in laga been abuuray Boosaaso, amni ahaan degan tahay, suuqayadana si caadi ah wax looga iibsanayo oo aanay jirin sicir barar.




From the comments