Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa baaritaan ku bilowday isniintii 4 Soomaali ah oo aha reer Minnesota looga laaban lahaa dhalashada Mareykanka kadib markii lagu eedeeyay in ay isticmaaleen warqado aqoonsi oo been-abuur ah 10 sano ka hor.
Eedeynta waxaa loo gudbiyay xafiiska waaxda cadaaladda Mareykanka ee magaalada Washington, D.C., dadka la eedeeyay waxaa magacyadooda lagu sheegay Fowsiyo Cabdi Adan, Axmed Maxamed Warsame, Mustaf Cabdi Adan iyo Feysal Jaamac Mire, qoyskan oo loogu magac-daray qoyskii nuclear-ka waxaa lagu eedeeyay in ay fiiso been ah ku soo galeen Mareykanka
Fowsiyo Adan ayaa la sheegayaa in ay sheegtay Axmed Maxamed Warsame uu ninkeeda yahay halka Mustaf oo 33 jir ah iyo Feysal oo 31 jir ay ku sheegtay caruurteeda, muddo kadib ayey iska furtay Warsame kadibna mid waliba gees ayuu Mareykanka ka dagay.




From the comments