Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta wuxuu kormeer ku tagay xarunta wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay ku simaha wasiirka difaaca iyo sidoo kale saraakiisha ugu sarreysa ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Waxyaabaha uu kala hadlay waxaa kamid ah qorsha dowladda ee ku aadan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida ciidanku ay Al-shabaab dalka uga saari lahaayeen.





From the comments