Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliya waxay ka degi la dahay tahay maamulka Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Faysal oo maanta hadal ka jeedinayey fagaare ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Puntland ay qasto siyaasadda Soomaaliya, haddii aanay iyada ahaan lahaynna ay Soomaalida nabad ahaan lahaayeen.
“Walaalayaal Soomaaliya waxay la degi la dahay waa Puntland, qoladan oo aanu jaarnahay wuxuu baarlamaankooda shalay yiri doorasho kama dhici doonto Sool iyo Sanaag, bal eegga walaalayaal dhibaatada ay wadaan, waxaa ka degi la Soomaaliya, waxay maalin walbo ka shaqeeyaan dhibta Soomaaliya” ayuu yiri Waraabe.




From the comments