Q.M: Sacuudiga Waa In Uu Furo Waddo Gargaar Lagu Gaarsiiyo Dadka Reer Yemen
Sheeko:Dalka

Qaramada midoobay iyo hay’adda bisha cas ayaa ugu baaqay isbaheysiga carbeed oo uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga in ay dib u furaan waddooyinka gargaarka lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan Yemen, Malaayiin ayaa xaaladooda laga deyrinayaa.
Isbaheysiga carbeed oo uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa dagaal kula jira Xowthiyiinta , kooxdan ayaa ku dhawaaqay Isniintii in ay xireen gabi ahaamba dhammaan xaduudaha laga galo Yemen oo iskugu jira cirka dhulka iyo badda.
Riyaadha oo ku tuhuntahay dowladda Iran inay hubsiiso kooxaha Kowthiyiinta ah balse Iran way beenisay hadalka ka soo yeeray Sacuudiga.
Goobjoog News