Shirkadda IRN Ee Qaban-qaabineysa Shirka Maalgeshiga Shidaalka Oo U Jawaabtay Dowladda

Shirkadda International Research Network ayaa waxaa ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan shirka Somalia Oil, Gas and Mining ee lagu wado in uu dhaco March 2018
Shirkadda waxaa ay qoraakeeda ku bilowday in labo bil muddo laga joogo warqad ogolaashiyo shirkadda ay ka heleen dowladda federaalka ah, iyaga oo intaasi raaciyay in ay la yaabeen ay heleen November 5 warqadda kale oo ka socota Wasiirka Petroolka dowladda federaalka ah kaas oo lagu diiday isla shirka.
IRN waxaa ay sidoo kale ka hadleen in laga soo bilaabo July sanadkan ay la xiriireen shirkado Soomaali iyo caalami ah sidii maalgelin loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya oo ay ku sheegeen meel mustaqbal leh.
International Research Network waxaa kale oo ay ka hadleen khibaradooda, iyaga oo sheegaya in 6dii sano ee la soo dhaafay ay shirar noocaan u qabteen shirkado iyo dalal badan, gaar ahaan arrimaha la xiriira shidaalka, shirarkaasi ay qaban-qaabiyeen oo inta badan carabta u badnaa Soomaaliya waxaa ay ku aheyd marti.
Shirkadda waxaa ay soo dhaweynsay warqadda ay dowladda federaalka ah ka heleen September 19 taas oo ay sheegayaan in ay ku dhiirigelisay in ay horay u sii wadaan qaban-qaabada shirka, shirkan oo kuwa la mid ah lagu qabtay London 2013, 2014 iyo shirkii ugu dambeeyay ee London.
Shirakkada International Research Network qaban-qaabineysa shirkaa shirka Somalia Oil, Gas and Mining ee Nairobi loo balansan yahay March 2018-ka waxaa ay hadalkeeda ku soo gabagabeeyay in ay xiriir iyo wada hadal u socdo dowladda federaalka iyada oo ku rajo-weyn in shirka qabsoomid-doono.
Goobjoog News