Shirkan oo laba maalmood socondoona ayaa waxaa ka soo qayb-galay ku dhawaad boqol saxafi oo ka kala socday dhammaan gobollada Somaliland. Sidoo kale, waxa kulankan kasoo qayb-galay xubno ka socday axsaabta siyaasadda, ururada bulshada iyo madaxda Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo iyagu soo qaban-qaabiyay kulankan.
Ugu horrayn, waxa ka hadlay kulanka Agaasimaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Yaxye Maxamed Cabdi (Xanas) oo ka warbixiyay waxyaabihii sanadkan u qabsoomay Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA iyo ujeedada shirkan. Waxaana uu sheegay Agaasime Yaxye in ujeedada shirkan ay tahay sidii ay isaga war hayn lahaayeen weriyeyaasha ku kala sugan gobollada dalka iyo abaalmarinta Cawke Award oo sanad walba ay ku tartamayaa weriyeyaasha Somaliland ka hawlgala.
Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ayaa isna ku dheeraaday muhiimmada ay leedahay in la helo weriye xirfad leh iyo dedaalka ay ugu jiraan SOLJA ahaan sidii loo tayayn lahaa khibrada saxayiyiinta dalka. Sidoo kale Xuuto waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland looga baahan yahay kor u qaadida aqoonta weriyeyaasha.




From the comments