Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo barqanimadii maanta ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay.
Miinadan ayaa la sheegay iney ku aasneyd halkaasi, waxaana ay qaraxday waxyar kadib markii ay halkaasi mareen gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in qaraxaasi uu sababay dhaawaca Labo qof shacab ah oo halkaasi ka dhowaa, iyadoo halkaasina ay gaareen ciidamada ammaanka.




From the comments