Warbixin ay soo saartay Qaramad Midoobey waxaa lagu sheegay in Daacishta ka jira waqooyiga Soomaaliya ay ku bilowdeen tobaneeyo hadana ay ka badan yihiin 200, warbixintan waxaa ay soo baxday maalmo kadib markii halkaasi ay duqeeyeen ciidamada Mareykanka.
Daacish sababta ay ugu soo badanayaan gudaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka socday Ciraaq iyo Suuriya.
“Daacishta uu hoggaamiye Sheikh Cabdulqader Muumin, waxaa lagu qiyaasay 2016kii tobaneeyo laakin waxaa ay ka badan yihiin 200 oo dagaal-yahan” sidaasi waxaa tiri koox khubaro ah oo Q.M ka tirsan sida ay warka ku heshay wakaaladda wararka ee Reuters.




From the comments