Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka aragti dhiibtay dib u shaqeynta lacagta shilinka Soomaaliga, taasi oo maalmo badan laga diidanaa guud ahaan gobolka Hiiraan.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacstada ayaa isku raacay iney lacagtaasi socoto, waxaana ugu dambeyn suuqyada Baladweyne laga bilaabay qaadashada lacagtaasi.
Qaar kamid ah shacabka B/weyne oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan arrintaan, islamarkaana ay ka badbaadeen dhibaato badan oo soo wajahi lahayd dadka danyarta ah.




From the comments