Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Shariif Xasan ayaa cadaadis xooggan wuxuu kala kulmayaa mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka K/galbeed, kadib markii qaarkood ay ka keeneen mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado.
Waxa uu Shariif Xasan sheegay in aan loo baahneyn qalalaasye iyo sidoo kale in la dumiyo maamulka K/galbeed, isaga oo ku baaqay xasilooni siyaasadeed.




From the comments