Kulankan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Hargeysa ayaa ahaa shirka sanadlaha ah ee saxaafadda Somaliland iyo xuska maalinta saxaafadda Somaliland. Waxaana kasoo qayb-galay saxafiyiin ka kala socotay gobollada Somaliland iyo madaxda axsaabta siyaasadda.
Kulanka ayaa intii uu socday waxa lagu lafaguray qaabkii loo heli lahaa warbaahinta si madax-bannaan oo dhex-dhexaad ah u tebisa wararka iyo warbixinada ay samaynayaa weriyeyaasha ka hawl-gala Somaliland.
Yaxye Maxamed Cabdi, Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo iyagu kulankan soo qaban-qaabiyay ayaa Goobjoog News u sheeg in ujeedada kulankani ay tahay sidii Somaliland looga heli lahaa weriye xirfadle ah oo dhexdhexaad ah.




From the comments