Xukuumadaha Masar iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka Labada Dal
Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Sharma-El-sheekh ee dalka Masar kula kulmay ra’isul wasaaraha dalkaasi Shariif Ismaaciil.
Mahdi oo ka qeyb-galaya shir dhalinyarada caalamka ayaa arabacadii Sharif kala hadlay xiriirka labada dal iyo sida la iskaga kaashan lahaa arrimaha ammaanta iyo la dagaalanka argigixisada.
Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo maalintii 3aad ku sugan dalkaasi ayaa sidoo kale la kulmay madax uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaasi Cabdifitaax Al-sisi.
Goobjoog News