Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ayey mar kale Q.M u dooratay in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda cagliga adduunka ama ICJ.
Mr. Cabdulqawi,waxaa uu maxkamadda ka tirsanaa tan iyo 2009kii, waxaa uu sidoo kale ka soo noqday guddoomiye ku-xigeen taas oo loo doortay 2015kii.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa sida caadada ah qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga ugu hambalyeeyay Cabdulqawi Axmed Yuusuf isaga oo intaasi raaciyay in arrinkaasi ay ku timid dadaalkiisa iyo galaangal ay sameysay dowladda federaalka ah, oo sida uu sheegay cadaadis diblomaasiyadeed saartay dowladaha.




From the comments