Waxaa maanta lagu wadaa in uu dhaco kulan caadi ah oo ka tirsan kullamada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Ajendaha ayaa la sheegay in uu yahay cod u qaadista ansixinta Hindise Sharciyeedka Biyaha kaas oo maray dhammaan akhriskii loogu talagay.
Sharcigan oo isbadal ku sameeyeen guddiga u qaabilsanaa golaha shacabka, waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray sida heerka tayada biyaha, xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale.




From the comments