Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in doorashooyinka loo qabto si xor ah oo ay ku dheehantahay hufnaan iyo nabadgelyo.
Hadalka wasiirka Itoobiya ayaa yimid ka dib markii uu kulan la qaatay madaxweynaha Maamulka Somaland Axmed Maxauud Siilaanyo kaasi oo ka dhacay magaalada Adis Ababa waxayna ugu hadleen doorashooyinka lagu wado inay isniinta ka dhacaan Somaliland iyo xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Dr. Workneh Gebeyehu ayaa hoosta ka xariiqay inuu diyaar u yahay dalkiisa dadaallada lagu horumarinayo xoojinta kobaca dhaqaalaha iyo dimuqaraadiyadda maamulka Somaliland.




From the comments