Wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Wafdigan waxaa kusoo dhoweeyay magaaladaasi saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Cadaado iyo sidoo kale kuwa AMISOM.
Wasiir Colaad ayaa Xerada 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu kula kulmay saraakiisha ciidamada, waxaana ulajeedka socdaalkiisan uu ku sheegay u kuurgelidda xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka.




From the comments