Madaxda Ciraaq ayaa waxaa ay heleen xabaalo wadareed ay ku jiraan ugu yaraan 400 oo Meydad meel u dhow magaalada Hawija taasi oo laga saaray bishii la soo dhaafay Daacish.
Guddoomiyaha gobolka Kirkuk Raakan Saciid ayaa waxaa uu sheegay in meydadkaan laga helay saldhigga circa ee ku yaallo duleedka magaalada Hawiji, waxaa uu intaasi ku daray in dadkaan qaar ay xirnaayeen dharka dadka rayidka ah, halka kuwa kale ay xirnaayeen dhar ay ku qasbeen Daacish.
Ciidamada Ciraaq ayaa sidoo kale waxay ka heleen goobaha ay maamuli jireen ururka Daacish xabaalo wadareedyo kale.




From the comments