Goobjoog

Kenya Oo Ka Digtey Weeraro Al-shabaab Ka Geystaan Mombasa Iyo Mandhera

Dowladda Kenya ayaa waxay ka digeysaa suurtagalnimada in dagaalyahannada Al-shabaab ay weeraro qorsheysan ka geystaan magaalooyinka Mombasa iyo Mandhera. Warbixin kasoo baxday laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in…

Kenya Oo Ka Digtey Weeraro Al-shabaab Ka Geystaan Mombasa Iyo Mandhera

Dowladda Kenya ayaa waxay ka digeysaa suurtagalnimada in dagaalyahannada Al-shabaab ay weeraro qorsheysan ka geystaan magaalooyinka Mombasa iyo Mandhera.

Warbixin kasoo baxday laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Labo nin oo u dhashay dalkaasi kuna sugan deegaanno ay maamulaan Al-shabaab iney soo maleegayaan weeraro ka dhaca magaalooyinkaasi.

Dadka u shaqeeya dowladda iyo sidoo kale dadka shacabka ah ayaa lagu wargeliyey iney galaan feejignaan dheeraad ah, iskana ilaaliyaan cid walbo oo ay ka shakiyaan.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro ka fuliyey gudaha dalka Kenya, iyadoo haddane laga baqayo in weeraro xooggan ay ka dhacaan dalkaasi.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments