Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay iney dishey ku dhowaad 100 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kadib weeraro ay Jimcihii iyo Sabtidii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ay Al-shabaab kaga sugnaayeen gobollada Baay iyo Shabellaha Dhexe.
Samantha Reho oo ah Afhayeen u hadashay Milatariga Maraykanka ayaa sheegtay in weeraradan ay fuliyeen diyaaradahooda gaar ah, sidoo kalena ay jireen weeraro dhanka dhulka ah oo ay ka caawiyen ciidanka dowladda Federaalka.
Waxay sheegtay in meelaha ay bartilmaameedsadeen ay ku shiraayeen dagaalyahannada Al-shabaab, ayna ku jireen saraakiil sare.




From the comments