Wasiirka wasaaradda duulista hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomar ayaa sheegay in aanu jirin wax amni darro ama cabsi amni oo ka jirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay wasiirka in Sabti walbo ay qabtaan shir gaar ah oo looga hadlayo ammaanka guud ee Garoonka, islamarkaana ay shirkaasi ka qeybgalaan dhammaan hay’adaha ammaanka ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde.
Wasiir Oomar ayaa sidoo kale sheegay in garoonka shaqadiisa ay socoto habeen iyo maalin, shaqadana aanay jirin wax isbedal ah oo ku yimid.




From the comments