Maxamed Cabdullahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka ayaa maanta lagu wadaa in uu hortago aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka waxaa uu warbixin ka siin-doonaa Xildhibaannada arrimaha la xiriira garoonka, la soo wareegista hawada Soomaaliya iyo arrimo kale.
Dhinaca kale, Maxamed C/laahi Salaad Oomar ayaa sheegay in aanu jirin wax amni darro ama cabsi amni oo ka jirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.




From the comments