Waxaa socota doorashada madaxtinnimda Somaliland, inta badan degmooyinka waa la codeynayaa laakin waxaa jira goobo aaney ka dhicin wax doorasho ah.
Gobollada muranka badan ka jiray ee shakiga badan laga qabay dhanka doorashada waxaa ka mid ahaa: Sanaag, Sool iyo Togdheer, kuwaas oo ku yaalla xadka Somaliland iyo Puntland.
Gobolka Sanaag oo ah gobol ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland, meelo ka mid ah doorasho kama socoto, meelaha aaney doorashada ka dhicin waxaa ka mid ah Dhahar iyo Laasqoray, degmada Badhan inta badan doorasho kama socoto laakin waxaa jira deegaanno hoos-taga sida Xiin-galool, Ceel,Bu iyo Hadaaftimo oo sanaadiiq la geeyay, dadna codeynayaan.







From the comments