Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed oo kulan ku yeeshey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in mushaar siintooda lagu xirey ka laabashada mooshin laga keenay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxay tilmaameen xildhibaannadan in loo sheegay haddii ay doonayaan mushaarkooda ay saxiixaan warqad ay uga laabanayaan mooshinkaasi waa sida ay hadalka u dhigeene.
Xildhibaan Faysal Sheekh Cawad oo kamid ah mudahaysaashan ayaa warbaahinta u sheegay in shaqsi ahaan isaga lacagtaasi loo soo direy, kadibna gaari lagu qaaday loona sheegay inuu ka laabto mooshinka, balse wuxuu tilmaamay markii uu arrintaasi diidey in dib looga celiyey lacagtii.




From the comments