Ra’iisulwasaarihii is casilay ee dalka Lebanon Sacad Xariri ayaa sheegay inuu ku laaban-doono dalkiisa maalmaha soo socda si uu rasmi iskaga casilo xilkaani.
Xariri oo wareysi siinayay mid ka mida Telefishinada ku yaalo Sacuudiga ayaa yiri “Waxaan ku laaban-doonaa Lebanon maalmaha soo socda si aan u dhameystiro tallaabooyin la xiriira arrimaha dastuurka ee is casilidda iyo inaan sameeyo latashiyo”.
Sacad Xariiri ayaa 4 November iska casilay xilka ra’iisulwasaaraha Lebanon isaga oo ku sugan magaalada Riyaadh ee dalka sacuudiga.




From the comments