Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdinasir Said Muse oo uu wehlinayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Ali Mohamed Ali ayaa waxa uu ku soo dhoweeyeen Muqdisho wafdi ka socda Dowladda Rwanda oo uu hoggaaminayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Rwanda Mr. Claude NIKOBISANZWE.
Imaanshiyaha wafdigan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib kulan bishii October 21 ku dhexmaray Magaalada Kigali Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Rwanda H.E. Ms. Louise Mushikiwabo iyo Wasiir kuxigeenadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga gudaha ee Soomaaliya oo looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Dowladda Rwanda ayaa beri oo Isniin ah soo gaarsiin doonta Muqdisho deeq daawo ah oo toban tan ka kooban , waxaana loogu talagalay in lagula tacaalo, laguna daweeyo dhaawacyada qaraxyadii ugu dambeeyay ee ruxay Caasimadda Muqdisho.





From the comments