Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho, 10 kamid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga, kuwaasi oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Zoobe 14 October 2017.
Dadkaan ayaa soo helay daweyn, kadib markii ku dhowaad bil lagu hayey isbitaal ku yaalla dalka Turkiga.
Xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in dadkaan daweynta soo helay ay kusoo dhoweeyaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.




From the comments