Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.
“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.





From the comments