Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Somaliland ayaa waxay sheegayaan iney socoto haatan tirinta codadka doorashooyinkii ay shacabka u dareereen.
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegaya in haatan meel dhammad ah ay u mareyso tirinta cododka, balse aanay kasii hordhaceyn natiijada iyo sida loo kala horreeyo.
Waxaa gabi ahaanba hawada laga saaray baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, waxaana sababta lagu shegay in la diidayo faafinta warar been abuur ah oo natiijada doorashada ku saabsan.




From the comments