Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegusta dastuurka ee labada Aqal, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka ayaa kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah si loo dar-dargeliyo Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.
Munaasabadii lagu kala saxiixday heshiiska waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare ahna Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad.
Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in ay la shaqeeyso Guddiyada hawsha Qaran ay kala dhaxeeyso, waxa uuna ballanqaaday in heshiiskan ay Wasaaradda ku dhaqmi doonto.




From the comments