Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay u ambabaxeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.
Wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha u kuurgalayo xaaladda ammaanka ee degmadaasi, arrimaha ciidamada maadaama ay dowladda Federaalka dhowaan qorsheynayso iney qaaddo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ayaa ku sugan degmada Baraawe, iyadoo ammaanka guud ee degmadaasi aad loo adkeeyay.




From the comments