Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.
Dagaalka oo ka bilowday bartamaha Xaawo Cabdi ayaa hadda lasoo sheegayaa in dhinacyada dagallamaya ay banaanka iskula baxeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.




From the comments