Madaxweynaha Lebanon Michel Coun ayaa ku eedeeyay Sacaduudiga in ay xireen ra’iisulwasaare Sacad Xariiri kadib markii si kadis ah xilka iskaga casilay isaga oo ku sugan Riyaadh.
Ra’iisulwasaaraha ayaa shaqada ka tagay 4 November isaga oo ku sheegay sababta in uu u baqay naftiisa. Iran iyo xisbullaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay inay ku ciyaarayaa amniga gobolka Carabeed.
Dhanka kale Madaxweynaha Faranasiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay ra’iisulwasaaraha dalka Lebanon ee is casilay Sacad Xariiri isaga iyo qoyskiisa in ay soo booqdaan Faransiiska, balse madaxweynaha ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay inaysan siineynin magan gelyo siyaasadeed.




From the comments