Hal ruux ayaa geeriyooday lix kalena way dhaacwmay kaddib markii rabshado dhex maray dad shacab ah iyo ciidanka boolisku ay ka dhaceen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer – sida waxaa Goobjoog News u sheegay agaasimaha cisbitaalka Burco Cabdikariim Hayaan Muxumed.
Dad dhaawaca ah ayaa waxa ku jira laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland. Qofka geeriyooday ayuu sheegay agaasimuhu in uu dhaawac dhintay halka lixda ruux ee dhaawaca ah laba kamid ah ay yihiin askar.
Xaaladda dadka dhaawacyada ah ayaa ah mid hadda ladan isla markaana waxa deggan guud ahaan xaaladda magaalada Burco – sida uu sheegay agaasime Cabdikariim Hayaan Muxumed




From the comments