Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxay si wada jir ah warbaahinta ugu sheegeen in is afgarad ka gaadheen khilaaf horey usoo kala dhex galay.
Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in waraaqaha xisbiga Waddani ay heleen ay lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland isla markaana aanay ahayn kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay.
Dhinaca kale, Musharrax Cirro ayaa sheegay in wada-shaqayntii kala dhaxaysay Guddida doorashada ay bilaabeen isla markaana waraaqaha ay heleen ay ahaayeen kuwo ay leeyihiin guddida doorashada Somaliland.




From the comments