7 Qodob Oo Laga Soo Saaray Shirka Wasaaradaha Sportiga Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada
Sheeko:Dalka

Warmurtiyeed kasoo baxay shirweyne qatay mudo labo maalin ah oo ay ka qayb galen wasiirka wasaaraadda dhalinyarad iyo sportiga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedayada dalka ayaa lagu so gabgabeyaay magaalada Kismaayo ee maamulka goboleedka Jubaland.
Waxana loga ariinsanyaay wada shaqeynta ay yeelnayaan wasaaraaddah dhalinyarada iyo Sportiga maamul goboleedayda dalka iyo wasaaraada dalinyarada iyo spoortiga xukuumaada somaliya, iyada oo ugu dambeynta la soo saaray:
- Waxaa la go’aamiyey in 29ka November ilaa 1da December ay noqoto keenista iyo dejinta cayaartoyda dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
- Waxaa sidoo kale la isla qaatay 2da ilaa 5ta December in ay kooxaha tababar ku qaataan garoonka kubadda cagta waamo ee Kismaayo.
- Isla sedexda bisha waa qori tuurka si uu u soo baxo jadwalka isku aadka kooxaha.
- Lixda bisha December waa maalin nasasho.
- Waxaa la go’aamiyey in 7 da bisha December uu si rasmi ah u furmo tartanka ku badda cagta ee dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
- Waxaa la isla go’aansaday in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmi lahaa 30 November,waxaana laga dhigay 17-20 December.
- Waxaa kaloo la go’aansady maadaama ay bisha November suurtagal ahayn in la qabto daahfurka siyaasadda qaran ee Isboortiga oo ka dhici lahaa cadaado caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Galmudug in laga dhigo horraanta bisha Janaayo 2018 haddii uu allaha awoodda leh idmo.
Goobjoog News