Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markii 2aad muddo 7 bil safar ku aaday dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in mar labaad uu madaxda Abu Dhabi kala hadlo xiriirka labada dal iyo sida la sheegay in ay ixtiraamaan madaxbannaanida dhul iyo dad ee Soomaaliya.
Warar ka soo baxay Villa Somaila ayaa sheegay in Farmaajo uu sidoo kale ka hadli-doono in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.




From the comments