Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney jirto cabsi ku aadan in Xarakada Al-shabaab ay weeraro ka geystaan magaalada Mandhera iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ah.
Sarkaal u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay in shacabka la farayo iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago qataraha Al-shabaab.
Waxay dowladda Kenya ay si gaar ah ugu digtey dadka aan Kenyanka ahayn ee ku sugan Mandhera si aanay dhibaato usoo gaarin.




From the comments