Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi oo sabtidii ka hadlayey mashaariic uu furayey ayaa wax laga weydiiyay arrimaha biyaha iyo dhismaha biyo-xireenka“Al-nahda” ee dalka Itoobiya.
Cabdifitaax al-sisi waxaa uu digniin u diray dalalka Itoobiya iyo Suudaan, arrintan waxaa ay imaaneysaa Itoobiya oo mareysa marxaladihii ugu dambeeyay biyo-xireen ay ka dhistay webiga Nile-ka.
Madaxweynaha Masar waxaa uu ka hadlay in arrinta biyaha ay kala hadleen dalalka Itoobiya iyo Suudaan, una sheegeen in biyaha ay ka xigaan nolol ama geeri.




From the comments