Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, muran ayaa ka jiro soo magacaabista wasiirada cusub ee maamulka Hirshabelle.
Xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi qaarkood ayaa waxay doonayaan iney iska dhex arkaan liiska wasiirada, halka madaxweyne Waare uu doonayo in wasiiradiisa ka madax banaanaadaan baarlamaanka.
Madaxweyne ku xigenka Hirshabelle ayaa isna la sheegayaa inuusan ku aragti ahayn madaxweynaha, iyadoo guud ahaan Jowhar laga dareemayo arrintan.




From the comments