Madaxweynaha Robert Mugabe ayaa xalay Khudbad u jeediyey dadweynaha Zimbabwe, taasi oo si toos ah looga baahinayey telefishinka Qaranka dalkaasi, balse Mugabe ma uusan sheegin inuu xilka iska casilay sidii laga filaayey .
Madaxweyne Mugabe ayaa markuu khudbadda jeedinaayey waxaa ku hareereysnaa mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada millatariga iyo dowladda ,waxaa uuna uga hadlay khudbadiisa xaaladaha dalka, iyo xisbiga talada haya.
Mugabe waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu isaga qaban-qaabin-doono shirka uu qaban-doono todobaadyada soo socda xisbiga talada haya.




From the comments