Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa lagu soo waramayaa inuu kala baxay ergadii goob joogga uga hayd tirinta cododka ee doorashooyinkii dhacay 13-kii bishan.
Waxaa la sheegayaa in xisbigan uu saluugay hannaanka dib u tirinta cododkii qaar ee la sheegay marka hore in la musuqay.
Dhana kale, mas’uuliyiinta guddiga doorashada Somaliland ayaa laga soo xigtay in maanta oo Isniin ah ay shaacin doonaan cidda heshay doorashadii dhacday.




From the comments