Dowladda Maraykanka aya waxay xoojisay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaata howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab iyo Daacish.
Saraakiil ka tirsan wasaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in tiro ahaan la kordhiyey ciidamadii Maraykanka ka joogay Soomaaliya, islamarkaana la gaarsiiyey illaa iyo 500 oo askari.
Askartaan ayaa la sheegay iney caawinayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay xoojinayaan weerarada lagu baacsanayo Al-shabaab.




From the comments